Wararkii u danbeeyay khasaaraha dabka ka kacay dooxada Dalsan ee Puntland

Apr 15 (Jowhar.com)-Dab xoogan ayaa ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal.

Sida xogaha hordhaca ah ay sheegayaan, waxaa loo badinaya in uu dabka ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa.

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo.

Guddoomiye ku-xigeenka dagmada Dangorayo Mudane Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa sheegay in maamulka magaalada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, isla markaana la baarayo waxa sababay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More