Nov 22(Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed, iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab (AS).
Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarumo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka difaacayeen degmada Xudur.
Ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ku jabeen dagaalka, islamarkaana laga dilay tiro maleeshiyaad ah, halka ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay fuetaan saanad ciidan oo ay wateen dagaalyahannada weerarka soo qaaday.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in xaaladdu ay hadda degan tahay, balse ciidamada ay weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyadooda militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka Bakool iyo deegaanada ku dhow.