Wararkii u danbeeyay khasaaraha qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Aug 22 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo aroorninadii hore e Saakay ka dhacay agagaarka Isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Ismiidaamin waxaa fuliyay ruux watay gaari qaraxyo ay ka buuxaan oo noociisa uu yahay Leyla Calaawi, waxaana jugta qaraxaasi laga maqlay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ruuxa Ismiidaamiyay uu beegsaday xero ay dagan yihiin ciidanka Boolis Milatari ee loo xilsaaray xasilinta caasimadda.

Waxaa lasoo sheegaya inuu khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay qaraxan, wararka hordhaca ah waxa ay tilmaamayaan in ilaa 5 ruux ay ku geeriyoodeen weerarka.

Majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowladda oo ku aadan qaraxa, iyadoo laamaha amaanka ay xirteen goobta uu weerarka ka dhacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More