Wararkii u danbeeyay khasaaraha weerarka uu ka badbaaday taliye Xijaar iyo askari uga dhintay

April 22 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaaraga ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo fiidkii hore ee caawa lagu weeraray hoteel ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho oo xiligaasi uu ka socday kulan beeleed.

Hoteelka la weeraray waxaa xiligaasi ka socday shir ay lahaayeen Xildhibaanada,Siyaasiyiinta iyo taliyaha booliska Soomaaliyeed ee ka soo wada jeeda beesha Dhulbahante, iyagoo ka tashanaha doorashada dalka uu aaday iyo halka ay tahay in afka la aadiyo, siyaasiyiinta hoteelka ku sugneyd waxaa kamid ahaa hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel.

Qof isku soo xiray walxaga qarxa oo doonayay inuu gudaha xoog ugu galo hoteelka shirka uu ka socday ayey celiyeen ciidamada amaanka, kaasoo marka danbe is qarxiyay, waxaana xigay rasaas xooggan oo ay dhinacyo kala duwan ka ridayeen ciidamada amniga ee nawaaxigaasi ku sugneyd.

Gaadiidma gurnadja deg dega ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkaasi ay ku naf waayeen 6 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 7 qof oo kale, dadka dhintay waxaa ku jiro mid kamida ilaaladii gaarka eheyd ee taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Xijaar.

Xiliga weerarka uu dhacay waxaa la sheegay iney eheyd xili uu taliyaha booliska isu diyaarinayay inuu soo boxo, waxaana durba soo baxay tuhuno ku aadan in la bixiyay xogta dhaq dhaqaaqa Jeneraal Cabdi Xasan Xinaar, dad xog-ogaal ah waxey tilmaameen in taliyaha goobta laga waday isagoo si aad ah u argagaxsan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili maalinimada beri ah Muqdisho ay marti galineyso hadal jeedinta musharixiinta gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo taliyaha caawa halista galay uu yahay qofka mas’uulka ka ah amniga guud ee doorashada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More