Wararkii u danbeeyay khasaare culus oo ka dhashay dagaal Israel iyo Falastiin ku dhexmaray Qaza

Nov 09 (Jowhar.com)- Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in nin sarkaal boolis ah la dilay halka shan kalena lagu dhaawacay dagaal Arbacadii shalay ahayd ka dhacay Qasa.

Isla ciidamadaas waxay sheegen in 50,000 oo qof oo Fastiiniyiin ah ay maanta ka baxeen waqooyiga magaalada Qasa, iyadoo ciiidamadeeda ay mar kale muddo saacado ah ay fureen waddoweyn oo nabdoon oo idadkaas geynaya koonfurta dhulkaas lagu hareereysanyahay.

Askarta Israa’iil ayaa dadka reer Qasa ee ku nool waqooyiga magaalada ka codsaday in ay aadan dhanka Koonfurta. Milateriga ayaa sheegay, in hakinta dagaalka la hakiyay aysan ahayn xabad joojin.

Dhanka kale, waxaa weli isa soo taraya cabaareynta Qaramda Midoobay, iyadoo Israel iyo Xamaasba ku eedeysay inay geysanayan dembiyo dagaal.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More