Wararkii u danbeeyay khasaare ka dhashay qarax xooggan oo ka dhacay Baraawe

May 28 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka koofur Galbeed.

Qaraxa oo ahaa miino waxaa la dhigay bar kontrol oo ciidano milatari ah ay ku leeyihiin Degaanka Ambareeso oo qiyaastii 5 KM u jira magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in qaraxa ay ku geeriyoodeen saddex askri, halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo xaaladooda la sheegay iney tahay mid aad u culus.

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa khasaaraha qaraxa ku sheegtay inuu ka badan yanah dhimashada saddexda askari, iyadoo kooxda sheegtay in goobta ay beegsadeen lacago baad ah looga qaadi jiray gaadiidka iyo shacabka

Si kaataba, Baraawe oo ka mid ah magaalooyin ugu amaanka roon gobolka Shabeellada Hoose, sidoo kalena ah caasimadda maamulka K/Galbeed, waxaa amnigeeda gacanta ku haya ciidan ka tirsan xoogga dalka oo fariisimo ku leh, gudaha iyo daafaha magaalada

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More