Wararkii u danbeeyay kulanka madaxweyne Xasan iyo Taliyaha Sirdoonka Sudan ee Muqdisho

0
122

Aug 27 (Jowhar) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Sirdoonka ee dalka Suudaan G/sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Taliyaha Sirdoonka Suudaan G/sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay dhambaal uu ka sodau Guddoomiyaha Golaha kumeel-gaarka Qaranka Suudaan Gen, Abdelfarah Burhaan oo ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinac kasta oo dan u ah labada dal.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay arrimaha amniga iyo isdhaafsiga khibradaha xaga sirdoon ee labada dal, iyadoo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad uu goobjoog ka ahaa kulanka.

Dowladdda Soomaaliya ayaa horay ku taageertay dowladda Suudaan guulaha ay ka gaartay dagaalada ka dhanka ah Kooxda RSF ee Imaaraadku taageero.