Wararkii u danbeeyay markab weyn oo xalay ku soo xirtay dekeda magaalada Boosaaso.

July 02 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya markab weyn oo xalay ku soo xirtay dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo markabka uu 12-kii maalin ee ina dhaaftay taagnaa Bada.

Sida wararku sheegayaan, markabka oo Shidaal badan sida ayaa waxaa iskaleh shirkad lagu magacaabo Admare Company oo ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah, waxaana la filayaa inuu wax ka bedelo qiimaha shidaalka oo meeshii ugu sareysay ka gaaray deegaanada maamulkaas.

Wararka la helayo ayaa intaas ku sii daraya in Markabka markii uu soo xirtay ay dekedda buux-dhaafiyeen gaadiidka shidaalka qaada, kuwaas oo shidaalka u kala daabulaya gudaha magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland, iyadoo Dekedda magaalada Boosaaso todobaadyadii la soo dhaafay aad mashquul u ahayd, waxaana ka dhoofayay xoolo loo iibgaynayay dalalka Carabta.

Si kastaba, Dekedda Boosaaso oo hal markab wax ka badan uusan ku soo xiran karin, waxaa 2017 heshiis ballaarin lagula galay shirkadda DP World, taas oo illaa hadda aan wax ka qaban.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More