Wararkii u danbeeyay muranka doorashada ee ka taagan Puntland

Dec 11 (Jowhar.com)- Maxkamadda Dastuuriga ah maamulka Puntland ayaa burisay go’aankii baarlamaanka Puntland ay ku kororsadeen mudo xileedkooda waqti hal sano ah.

Maxkamadda ayaa cadeysay in muddo xileedka baarlamaanka Puntland uu ku egyahay 31-12-2023, iyadoo meesha ka saartay go’aankii ay ku sameysteen muddo kororsiga.

Baarlamaanka ayaa qorsheynayey in 31-12-2024 uu dhamaado muddo xileedkooda, balse hadda waxaa la go’aamiyey inay doorasho aadaan.

Go’aankaan maxkamadda kadib, baarlamaanka Puntland ayaa qorsheeyay inay kulan degdeg ah isugu yimadaan maanta, si ay uga hadlaan mowqifkooda ku aaddan go’aanka kasoo baxay maxkamadda dastuuriga ah.

Warar aan ka helnay ilo katirsan baarlamaanka waxa ay sheegayaan in baarlamaanku diyaarinayo mooshin ka dhan ah guddoomiyaha maxkamadda sare.

Dhinaca kalena, madaxweyne Deni ayaa maanta lagu wadaa inuu soo magacaabo guddiga kala saaridda xildhibaanada iyo xallinta khilaafaadka, kuwaas oo qaban doona araajida xildhibaanada ay soo xushaan qabaa’ilada Puntland.

Puntland, maamul goboleed dhisan tan iyo 1998-dii, ayaa todobaadkii hore u jiheysatay doorasho madaxwayne iyo baarlamaan kadib is-xag-xagasho siyaasadeed oo taagneyd ku dhowaad halkii sano ee ugu dambeeyay.

Hubanti la’aanta doorashadda ayaa soo idlaatay markii madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ku dhawaaqay in loo laabanayo doorashadda 66-da Xildhibaan kana laabtay cod-bixinta qof iyo codka ah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More