Wararkii u danbeeyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

May 27 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar koox burcad Koofur Afrikaan ay u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dukaameysanayay gudaha dalkaasi.

Weerarkan oo ka dhacay Xaafadda South Gate oo ka tirsan Magaalada Johannesburg waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdicasiis Axmed Siciid, iyadoo ay ka badbaadeen laba dhalinyara kale oo la socotay.

“Dukaanka ayuu ku jiray, Tuugada markay soo gashay Dukaanka, kadibna si hal-haleel ah ayey isaga xabadda ugu bilaabeen, dhaawac halis ahaa gaaray, isla markiiba intaan Isbitaalka la gaarsiinin ayey Nafta ka baxda, Laba Wiil oo la joogtayna midna wuu cararay kii kalana way qabteen balse waxba ma gaarsiinin” ayuu yiri mid kamida Soomaalida ku sugneyd Goobta.

Alle ha u Naxariistee Cabdicasiis Axmed Siciidayaa kamid ahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhowr iyo Toban Sano deganaa Dalka Koonfur Afrika, waxaana Burcadda ka dambeeyay dilkiisa ay wateen Gawaari badan si ay wax ugu dhacaan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More