Wararkii u danbeeyay nabadoon caan ahaa oo lagu dilay magaalada Beledweyn

May 28 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo kooxihii dilkan geysatay ay toogashada kadib goobta isaga baxsatay.

Maxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiay Cali Macalin Maxamuud Cali Dheere waxa uu ka mid ahaa odayaasha sida weyn looga yaqaanay gobolka, si gaar ah magaalada Beledweyn, waxaana dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Nabadoon Cali Dheere ayaa xiliga la toogtay waxa uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadii cishaha, wuxuuna ku sii jeeday hoyga uu ka dagan yahay xaafada Xaawo taako, halkaas oo ah goobta ay ku heshay kooxda bistooladaha wadatay.

Ciidamada amaanka ee magaalada ayaa daqiiqado kadib gaaray halka uu dilka ka dhacay waxeyna sameeyeen howlgao baaritaana ah, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta ku soo dhigaan kooxihii falka dilka ah ka danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More