Wararkii u danbeeyay qarax ka dhacay Muqdisho iyo sarkaal lagu dilay.

June 01 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo maanta ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhineceeda la galiyay ayaa qabsatay gaari Prado ah oo marayay inta u dhexeysa Aargada Degmada Deeyniile & Xaafada Siisi, waxaana ku geeriyooday laba qof oo saarneyd gaariga.

Labada qof ee geeriyootay ayaa kala ah Col Salaad Isaaq Axmed oo ahaa sarkaal milatari ah oo gobolka Banaadir u qaabilsan canshuurta laga qaado Geella la keeno Muqdisho, wuxuuna intiisa badan ku shaqeyn jiray Siinka Dheer oo duleedka Muqdisho ah, waxaana la dhintay Cabdi Cali Axmed oo isaguna askari ahaa.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili dalka uu isbedel galay, iyadoo saraakiisha NISA ee loo xilsaaray kahortaga falalkan uu ku socda isbedel, maadaama talis cusub uu xilka la wareegay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More