Wararkii u danbeeyay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho
July. 31 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxaasi laga maqlay xaafado badan oo kamida caasimadda.
Sida wararku tilmaamayaan, qaraxa oo ahaa nooca dhejiska ayaa lagu xiray gaari SURF ah oo uu lahaa wiil dhalinyara ah oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, waxaase burburay gaariga oo gabi ahaantiisba uu dab qabsaday.
Si dhab looma oga waxa uu ahaa wiilka qaraxa gaarigiisa loogu xiray, waxaase jira warar sheegaya inuu kamid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata sarifka lacagaha ee 1Xpet-ka, xiliga gaarigiisa uu qarxayay waxa uu ku jiray goob jirdhis GYM ah.