Wararkii u danbeeyay qaraxa khasaare xooggan geystay oo ka dhacay magaalada Beledweyn

Jun 30 (Jowhar.com)-Ugu yaraan shan ruux oo afar ka mid ah ay yihiin shacab ayaa ku dhintay qarax galabtay casar gaabkii ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Cumar Cismaan Calasow.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar kontorool oo garaawida lagu baaro ku taalla magaalada.

Gaariga qarxay oo lagu sheegay in uu yahay caasi ama bas ka yar ayaa ku qarxay goobta baaritaanka, kadib markii uu ka dhaga adaygay in uu u hugaansamo amarada ciidankii ku sugnaa goobta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More