Wararkii u danbeeyay sarkaal boolis ah oo lagu dilay maaalada Muqdisho.

July 28 (Jowhar.com)-Warraka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo bistoolado ku hubeysan ay degmada Deyniile ku dileen sarkaal ka tiraan ciisamadda booliska, iyagoo ka toogtay qeybaha sare ee jirka.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cali Xasan Siyaad (Cali tariin) ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa agagaarka Xerada Ciidamada ee Saban Saban ama (77), taas oo u dhow Aargada degmada Deeyniile oo ah meel aad u mashquul badan.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ragga dilka geystay ay hore u sii qaateen Bistoolad uu watay marxuumka, iyagoo dhowr xabadood ku dhuftay, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Ciidamo boolis ah oo durba tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal kooban, iyagoo ku guuldareystay iney gacanta ku soo dhigaan danbiilayaasha oo si nabad ah goobta isaga dhaqaaqay.

Meydka marxuumka ayaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee C.I.D, halkaasoo sawirran looga qaaday meydka si baaris dheeri ah loogu sameeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More