Wararkii u danbeeyay shirka saaka uga furmayo Muqdisho madaxweyne Xasan iyo Mucaaradka cusub

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

July. 12 (Jowhar.com)-Hoteelka Decale ee ku yaala gudaha xerada Xalane waxaa maanta ka furmaya shir u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno kamid ah siyaasiyiintii diiday qodobo kamid ahaa heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii wax ka bedel loogu sameyn lahaa qodobada qaar ee heshiiskaasi oo ay siyaasiyiintan diideen, kana dapbadeen in wadatashi laga yeesho kahor inta aysan ansixin baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan oo gudoomin doono shirka ayaa la filayaa inuu warbixin kasiiyo mas’uuliyiinta sida dowladiisa ay dooneyso iney u wajahdo hanaanka doorasho ee dalka marka lagaaro dhamaadka mudo xileedka dowladan.

Xubnaha ka qeybgalaya shirkan oo u badan ra’iisul wasaarayaal iyo gudoomiyayaal baarlamaan oo hore waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid,C/weli Gaas, Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Mursal Sheekh.

Si kastaba, shirkaan ayaa si rasmi ah uga furmi doona barqanimada maanta, kaasi oo uu shir-guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeed mideysan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More