Wararkii u danbeeyay weerar khasaare sababay oo ka dhacay magaalada Marko

May 29 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh.Hoose.

Wararka la helayo waxey tilmaamayaan in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar jidgal ahaa u dhigeen ciidanka ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku safrayay wadada u dhaxeysa deegaannada Janaale iyo Buufow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in weerarkan ay ku geeriyoodeen laba kamid ah askarta dowladda, halka mid kalena uu dhaawac ka soo gaaray, iyadoo dagaalka kadib ay Ciidamada iska sii wateen socdaalkooda, iyaga oo ka yimid degaanka Janaale kuna wajahnaa degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada loo xilsaaray xasilinta magaalada Marko ayaa daqiiqado kadib ku baxay xiisada, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaana ah lamana soo sheegin cid ay ku soo qabteen howlgalkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More