Wararkii u danbeeyay weerar xalay lagu qaaday ciidanka Amisom ee xero Maslax

Mar 27 (Jowhar.com) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay xubno Shabaab ah ku qaadeen Saldhigga weyn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Xerada Maslax oo kutaalla Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Weerarka oo marka hore ku bilowday qoriga garabka laga rido ee Zabanka oo lagu dhuftay iridka laga galo xerada ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah, kaasoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ku dhowaad saacad uu weerarka socday.

Ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad oo fariisimo ku leh aagga weerarka uu ka dhacay ayaa la sheegay iney gurmad ahaan ugu tageen ciidanka Uganda ee Amisom qeybta ka ah, iyadoo kooxda weerarka qaaday ay markii danbe goobta isaga carartay, maadaama dhexda la gashtay oo xaaladda ay adkaatay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare kala gaaray dhinacyada dagaalamay, walow aysan sheegi karin tirada rasmiga ah, xiliga weerarka oo habeen ahaa iyo dadka oo aan aad ugu dhawaan karin xerada Maslax ee ciidanka Amisom ay fariisinkooda labaad ee ugu weyn u ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Majiro wax war ah oo duulaankii xalay ay ka soo saartay dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Amisom, iyadoo degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Deeyniile laga maqlayay dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More