Wararkii u danbeeyay weerarka Hoteel Xayaat iyo khasaaraha dhimashada oo korortay.

August 20 (Jowhar.com)-Waxaa wali dagaalo toos ah uu ka socdaa gudaha hoteelka Xayaat ee ku yaala nawaaxiga isgoyska KM4, halkaasoo ciidamadda dowladda ay wax ka badan 20 saacadood kula dagaalamayaan dabley hubeysan oo Shabaab ah.

Wararkii u danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda ay go’aansadeen in dhismayaasha hoteelka lagu dumiyo dableyda wali gudaha ka dagaalameyso, waxaana muuqaalo la soo bandhigay ay muujinayeen in miinooyin lagu xiray dhismayaasha oo mar kaliya ay dumayaan.

Mas’uuliyiin uu ku jiro Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa gaaray nawaaxiga hoteelka, iyadoo suxufiyiinta wali loo diidan yahay iney u dhwaadaan goobta, maadaama wali rasaasta iyo qaraxyada ay yihiin kuwo socdo.

Kudhowaad 20 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen weerarkan, halka dhaawacyada ay ku dhaw yihiin 100 ruux, maamulka Isbitaalka Madiino oo kaliya ayaa sheegay in ilaa 40 qof oo dhaawacya ah la gaarsiiyay.

Hotelkan oo ku yaala mid ka mida wadooyinka laga galo Garoonka Diyaaraadaha Aadan Cadde ayaa noqonaya weerarkii ugu horreeyay, ee ay Shabaabku sanadkan ka gaystaan caasimadda.

Hotelkan waxaa fariisan jiray Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, Saraakiisha Ciidamada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo ay dadku u taggi jireen shaah iyo sheeko, waana goob ay maalmaha fasaxa ku qaataan waqti nasiino iyo madadaalo, iyadoona weerarka lagu soo beegay maalin Jimce oo fasax ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More