Wararkii u danbeeyay weerarka Shabaab ku gashay guri lagu hayay dhaawacyadii Hiiraan
Feb. 21 (Jowhar.com-Dabley ka tiraan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qarax ku bilowdey ku gashay guri uu leeyahay Jeneraal Ciidan oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.
Guriga waxaa daganaa kudhowaad 10 ruux oo kamid ah ciidanka macwuusley ee kusoo dhaawacantay dagaalka gobolka Hiiraan.
Is-rasaaseyn u dhaxeysa kooxda hubeysan iyo ciidanka dowladda ayaa laga maqlayaa goobta, Hoyga la weeraray ayaa la sheegay in lagu dadiibayay ciidamo kusoo dhaawacantay dagaalka Shabaab, kuwaasoo xaaladooda ay ka soo reyneysay maadaama isbitaalkii laga soo saaray.
Waxaa lagu soo waramayaa in dagaal culus uu goobta ka socdo, iyadoo guriga la weeraray uu ku dhow yahay xarunta cusub ee Imagrationka, mararka qaar waxaa la maqlayaa qaraxyo culus.
Ciidanadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa gurmad ahaan u tagay guriga la weeraray, kuwaasoo ku biiray dagaalka socda.
Rasaas xoog leh ayaa wali laga maqlayaa dhismaha guriga, taasoo ay is waydaarsanayaan ciidamada amaanka iyo ragga weerarka qaaday.
Lama oga xaalka dhaawacyadii guriga lagu daweynayay iyo dadkii kale ee joogay.
Illaa hadda ciidamada amaanku kama hadlin weerarka socda, mana jirto illaa hadda koox sheegatay.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey dhowrkii toddobaad ee tegay, waxaana soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ka gaysato caasimada