Wararkii u danbeeyay wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

Mar. 17 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil dalka Canada loogu geystay muwaadin Soomaali ahaaa, kaasoo la shaqeynayay hay’adaha amniga dalkaasi.

Alla ha u naxariistee Usaama Ibraahim Sagaare oo ahaa 20 sano jir, Soomaali ah, ayaa Arbacadii lagu dilay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Canada.

Wali wax xog ah oo dhameystiran lagama hayo cida ka danbeysa dilka marxuumkan oo ahaa 20 sano jir ahaa, waxeyna laamaha amaanka sheegeen iney wali xog-uruurin wadaan  oo ay dib u daawanayaan Kaamirooyinka ku xirnaa goobta toogashada ay ka dhacday.

Ibraahim Sagaare oo ah Aabaha marxuumka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu maqlay dhawaqa rasaas gaareysa ilaa toddoba, kadibna marka uu bannaanka ubaxay uu arkay wiilkiisa oo la toogtay shan mar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More