Wararkii ugu dambeeyay afgambiga wadanka Guinea-Bissau

Wararka ka imanaya dalka Guinea-Bissau ayaa sheegaya in rasaas xooggan laga maqlay caasimadda Guinea-Bissau meel ku dhow xarunta dowladda.

Xoogag hubeysan ayaa isku gadaamay Qasriga Dowladda, halkaasoo Madaxweyne Umaro Sissoco Embalo iyo Ra’iisul Wasaaraha Nuno Gomes Nabiam la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen si ay uga qaybgalaan shirka Golaha Wasiirada.

Wariye maxali ah ayaa sheegay in ciidamada gadoodsan ay xireen madaxweynaha Guinea-Bissau iyo wasiiradiisa.

Suurtagal ma ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo warkan, mana jirto war rasmi ah oo weli laga soo saaray halka ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Guinea-Bissau iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Laakin ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay saxafiyiinta in madaxweyne Umaro Sissoco Embaló iyo xubno ka tirsan dowladda ay weli ku sugan yihiin qasriga dowladda` oo ay gacanta ugu jiraan kuwa weerarka soo qaaday.

Qaramada Midoobay iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa cambaareeyay isku dhacyada dadka lagu dilay ee ka dhacay caasimadda, waxayna dalbadeen in la ixtiraamo hay’adaha dimoqraadiga ah.

Galbeedka Afrika waxaa 18-kii bilood ee ugu dambeeyay ka dhacay afgambi tiro badan, iyadoo milaterigu la wareegay awoodda dalalka Mali, Guinea iyo Burkina Faso.

Ecowas, oo ah ururka gobolka ee kor u qaada iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee galbeedka Afrika, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen “isku daygii afgambi ee Guinea-Bissau, waxayna ku boorinayaan militariga inay ku laabtaan xeryahooda.

Maalmihii la soo dhaafay Ecowas waxay xubinimada ka joojisay mid kale oo ka mid ah xubnaheeda oo ah wadanka Burkina Faso, halkaas oo millatariga ay afgambi ku dhaqaaqeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Guinea-Bissau Suzi Barboza ayaa u sheegtay in ay hadda dibadda ku maqan tahay ayna sugeyso wararka ku saabsan madaxweynaha.

Iskuulada iyo xafiisyada ayaa la xiray si taxadar leh, waxaana ciidamada la geeyay xarumo badan oo dowladda ay leedahay.

Madaxweyne Umaro Sissoco Embaló, oo qudhiisa hore u soo noqday Ra’iisul Wasaare, ayaa loo doortay xilka ugu sarreeya sanadkii 2020 ka ka dib markii uu wareeggii labaad ee doorashada kaga guuleystay ra’iisal wasaarihii hore.

Madaxweyne Embaló ayaa sheegay inuu doonayo inuu xaliyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka ku yaalla Galbeedka Afrika oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka, kaasoo tan iyo sannadkii 1974-kii ay ka dhaceen sagaal afgambi ama isku day afgambi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More