Wararkii ugu dambeeyay Alshabaab dagaal ka dhacay degmada Balcad

Apr 06 (Jowhar.com)- Waxaa soo baxay faahfaahino dheeraad ah weerar saaka waaberigii Alshabaab ay ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka Alshabaab oo labo jiho ahaa ayaa waxaa iskahorimaad xoogan ku dhex maray ciidamo ku sugnaa baraha koontarool ee wadada laamiga ah ee dhinaca Waqooyi ee degmada Balcad iyo wadada dhinaca Galbeed.

Maleeshiyaadkii Alshabaab ayaa u suurtogashay inay ka soo gudbaan koontarool waqooyi ee loo yaqaan Kulanka halkaas oo gaari ay ku raran yihiin waxyaalaha qarxa uu gudaha u soo galay magaalada.

Gaariga oo noocisa lagu sheegay Land Cruiser nooca soomaalida ay u taqaan Leylo Calaawi ayaa ku qarxay xarunta ciidamada nabadsugida ay ku leedahay magaalada Balcad taasoo aan ka fogeyn buundada wabiga shabelle ee kala qeybisa magaalada.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu burburiyay dhismayaal badan isla markaana guryo badan oo ku yiil magaalada ay waxyeelo ka soo gaartay,

Wararka ayaa sheegaya in hal askari oo ka mid ah ciidamada dowlada uu ku dhintey dagaalka halka lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Hase yeeshee illaa afar ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab ayaa wararka ay sheegayaan in ay ka dhinteen dagaalka.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa halkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More