Wararkii ugu dambeeyay Arrimaha Doorashooyinka Dalka

Waxaa sii xoogeysanaya cadaadiska ay Beesha Caalamka ku hayaan madaxda dalka in laga gaaro heshiis khilaafka ka jira qabashada doorashada dalka.

Dadaalo ay wadaan beesha caalamka ayaa laga dareemayaa inay sii wadaan wadahadalada iyo dhexdhexaadinta dhinacyada dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu maanta tegayo magaalada Dhuusamareeb, safarkiisa ayaa ah lugtii labaad safaro uu ku marayo xarumaha dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto oo dhowaan fasax ku maqnaa ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, waxaa uu maanta taleefan kula hadli doonaa Madaxda Soomaalida iyo mucaaradka.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowlada federalka ay shuruud ku xirtey in la wadahadlo iyadoo dalabtay in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay soo gudbiyaan liiska guddiga farsamo ee laga sugayay.

Dowlada ayaa dooneysa in haddii la helo liiska guddiga farsamo ee labada maamul in wadahadal toos ah laga yeesho khilaafka doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More