Wararkii ugu dambeeyay duqeynta Xuutiyiinta ee Sacuudi Carabiya

Mar 26 (Jowhar.com) –  Xuutiyiinta Yemen ayaa qirtay weeraro isdaba joog ah oo ka dhacay Sacuudi Carabiya ka dib markii warbaahinta dowladda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sheegtay in gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu bartilmaameedsaday keydka saliidda ee Jeddah iyo xarumo kale oo ku yaal Riyadh.

Qiiq madow oo aad u weyn ayaa la arkayay oo ka kacaya warshadda ku taal Jeddah, iyadoo magaalada ay isu diyaarinaysay inay martigeliso tartanka Formula One maalinta Axadda.

Inkastoo Sacuudiga iyo Aramco oo ay dowladdu maamusho aysan isla markiiba qirin dabkan, ayaa haddana waxay u muuqatay mid ku qotonta xarun shidaal oo Xuutiyiinta ay horay u bartilmaameedsadeen.

Gelinkii dambe ee Jimcihii, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yahya Sarea ayaa sheegay in kooxdu ay gantaallo ku weerareen xarumaha Aramco iyo warshadaha Ras Tanura iyo Rabigh..

Sarea ayaa intaa ku daray in weerarka sidoo kale lala beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Xarumo ay leedahay shirkadda weyn ee Aramco ayaa sidoo kale lagu weeraray Jizan, Najran, Ras Tanura iyo Rabigh iyadoo lagu weeraray tiro badan oo diyaarado aan duuliye lahayn.

TV-ga Al Carabiya, oo soo xiganaya isbaheysiga, ayaa sheegay in difaaca hawada ee boqortooyada uu burburiyay laba diyaaradood oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday Najran.

Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarada Xuutiyiinta. “Xilli ay tahay in dhinacyadu diiradda saaraan sidii loo dhimi lahaa oo loo gaarsiin lahaa dadka Yemen samatabbixin naf-badbaadin ah ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan, Xuutiyiintu waxay sii wadaan hab-dhaqankooda burburinta ah iyo weerarrada argagixisanimo ee aan ka fiirsasho lahayn ee ay ku weerarayaan kaabayaasha rayidka,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Xoghayaha Mareykanka Antony Blinken.

Sacuudi Carabiya ayaa hogaamineysay isbaheysiga dagaalka kula jira Xuutiyiinta, kuwaas oo qabsaday caasimadda Yemen ee Sanca Sebtembar 2014.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si caalami ah loogu dhaleeceeyay duqeymo dhanka cirka ah oo lagu dilay tobanaan qof oo rayid ah halka Xuuthiyiintu ay farta ku fiiqeen weraradaas in ay marmarsiinyo u tahay in ay gudaha u galaan Boqortooyada Sacuudiga diyaarado, gantaalo iyo madaafiic.

Sabtidii, warbaahinta dawladda Sucuudigu waxay sheegtay in isbahaysiga ka dagaalamaya Yemen ay bilaabeen hawlgal milatari oo ay ku jiraan weeraro xagga cirka ah oo lagu qaaday caasimadda Yemen ee Sanca ee Xuutiyiinta ay maamulaan, iyo magaalada dekedda ah ee Badda Cas ee Xudeyda si loo joojiyo weerarrada ka dhanka ah xarumaha saliidda iyo in la ilaaliyo tamarta caalamiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More