Wararkii ugu dambeeyay Duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine

Mar 4 (Jowhar.com)-Ruushka ayaa sii wada duulaanka uu ku hayay dalka deriska la ah ee Ukraine iyadoo toddobaadkii labaad uu u bilowday duulaankan.

Waxa aad halkan hoose kala socon kartaa wararka ugu waaweynaa ee maanta ay wakaaladaha wararka caalamka ka qoreen dagaalka Ukraine.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ee dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo US ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareynayaan duulaanka Ruushka ee Ukraine, waxayna ugu baaqeen Moscow inuu joojiyo gardarrada isla markaana si degdeg ah ciidamadiisa ula baxdo.

Safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Ruushka inay gaysteen argagixiso nukliyeerka kadib markii la weeraray xarunta tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia.

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Zaporizhzhia oo ah xarunta ugu weyn ee tamarta Nukliyeerka ee Yurub.
Hase yeeshee, Ergayga Ruushka Vasily Nebenzya, ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Ruushku ay weerareen xarunta tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia been iyo war been abuur ah.

“Waxaad isku dayeysaa in aad xaaladda u soo bandhigto qaab la mid ah in warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ay duqeeyeen militariga Ruushka taas oo sababtay in dab uu kaco,” Nebenzya ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Oraahyadani waa kuwo aan run ahayn.”

Sergiy Kyslytsya, safiirka Ukraine u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa ku eedeeyay Ruushka in uu galay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada intii uu socday duulaanka uu dalkaasi ku qaaday.

“Ruushka waxa uu galay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Ruushku xitaa iskuma dayo inuu qariyo,”.

Ergeyga Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Putin uu ku qasban yahay inuu ‘Joojiyo waallidan.

Linda Thomas Greenfield, oo ah ergeyga Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weerarka Ruushka uu halis weyn geliyay warshadda Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub.

“Weerarkii Ruushka xalay waxa uu halis weyn galiyay warshadda tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub. Waxay ahayd si cajiib ah taxadar la’aan iyo khatar. Waxayna halis gelisay ammaanka dadka rayidka ah ee ku kala nool Ruushka, Ukraine iyo Yurub.”ayay tiri Linda.

Balse, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz isagoo taleefoon kula hadlay in Ruushka uu diyaar u yahay wadahadal ku saabsan Ukraine haddii dhammaan dalabaadkooda la fuliyo.

Putin “wuxuu xaqiijiyay in Ruushku u furan yahay wadahadal uu la galo dhinaca Ukraine, iyo sidoo kale qof kasta oo doonaya nabadda Ukraine.

Laakiin iyada oo shuruud looga dhigayo in dhammaan dalabaadka Ruushka la buuxiyo,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Kremlin.

Ruushka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu ka xannibay Facebook-ga dalka oo dhan.

“Bisha Maarso 2022, go’aan ayaa la sameeyay si loo xannibo gelitaanka shabakadda Facebook (ay leedahay Meta Platforms, Inc.) ee Federaalka Ruushka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Isagoo ka jawaabaya, madaxweynaha Meta Nick Clegg wuxuu sheegay in shirkadu ay sameyneyso wax walba oo ay awoodo si ay u soo celiso adeegyadeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More