Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Ethiopia”Mekelle oo duqeyn culus ku socoto”

Ciidamada Federalka Ethiopia ayaa bilaabay inay duqeeyaan magaalada xarunta u ah Maamulka Tigrey ee Mekelle.

Hoggaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa xaqiijiyay in duqeyn culus ay ku socoto magaalada Mekelle sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Reuters.

Hase yeeshee dowlada Ethiopia ayaa hore u sheegtya inaysan ciidamadeeda duqeyn doonin magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin Nus Malyan ruux.

Af-hayeenka xafiiska ra’sial wasaraha, Billene Seyoum ayaa hore u sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay duqaynayn.

“Bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.ayay tiri Seyoum.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion ayaa ku eedeeyey ciidamada Eritrea in ay weerareen xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Tigray si ay u qabqabtaan qaxooti hore uga soo qaxay Eritrea.

Militariga dalka Itoobiya ayaa waxay shegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ku taalla gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya. Milatariga Itoobiya ayaa muddo toddobaadyo ah dagaal xooggan kula jiray xoogagga Tigrey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More