Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada maanta ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo

Waxaa maanta lagu qabtay doorashada Golaha Shacabka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Koofurgalbeed.

Magaalada Baydhaba ee xarunta kmg u ah maamulka koofur galbeed saddex xildhibaan oo ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.

Saddexda xildhibaan ee maanta lagu doortay magaalada Baydhabo ayaa kala ah;

Maxamed Jaamac Mursal (Geelle)
Isxaaq Maxamed Mursal {Fanax}
iyo Sayid Cali Isaaq Maxamed.

Sidoo kale magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay xildhibaano isugu jira rag iyo dumar waxaana ay kala yihiin xildhibaanada lagu doortay maanta magaalada

1- Khadra Maxamuud Raage.
2-Cabdiraxmaan Axmed Suge.
3-Ayuub Ismaaciil Yuusuf
4-Dr Cilmi Maxamed Nuur
5-Maxamed Xuseen Haadi
6-Caasho Koos Maxamuud Cumar
7- Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib
8-Nadra Saalax Cabdi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More