Wararkii ugu dambeeyay ee khilaafka ka soo kordhay doorashada golaha shacabka gobolada Waqooyi

Waxaa soo baxay maanta khilaaf ka jira doorashada golaha shacabka xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku baaqey in la joojiyo doorashadda 16 kursi oo kamid ah kuwa Somaliland, taasoo ka dhacday Muqdisho kadib markii loo mari waayay hanaanka iyo habraaca lagu heshiiyay sida ku cad qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Aqalka sare.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan la shaacin karin ilaa tartanka kuraastaasi ilaa xal buuxa laga gaarayo Khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ee ku saabsan in hanaankii lagu heshiyay la hareermaray.
Dhinaca kale,Qoraal ka soo baxay Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu shaaciyay magacyada oday dhaqameedyo iyo xubnaha bulshada rayidka ee soo xulaya Ergada dooraneysa illaa shan kursi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More