Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Matabaan oo ay Alshabaab la wareegeen

Mar 10 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gelinkii dambe ee maant la wareegeen gacan ku haynta Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku daabaceen warbaahinta taageersan waxa ay ku sheegay in dagaalyahanadooda ay guud ahaan la wareegeen degmada Matabaan.

Dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahday cabsi ku aadan in dagaal uu halkaasi ku dhexmaro ciidamada dowladda iyo Al-shabaab weerarka soo qaaday.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal kooban kadib ay Alshabaab la wareegeen degmada Matabaan,iyagoo qabsaday saldhigga booliska iyo xarumaha maamulka dowlada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More