Wararkii ugu dambeeyay ee Shirarka Arrimaha Siyaasadda iyo Doorashooyinka dalka

Waxaa maanta galay maalintii saddexaad shirkii u dhexeeyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyadoo kulan dheer ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Shirka maanta waxaa diiradda lagu saarayay xal u helida caqabadaha ku horgudban shirka guud ee Afisyooni iyo sidii horay loogu sii socon lahaa dalkana u aadi lahaa doorasho heshiis lagu yahay, waxaa kaloo isla meel dhigeen shuruudaha qaar ee horay Puntland iyo Jubbaland ku xireen shirkaas sidii meesha looga saari, iyagoo maalinta berri ah u dhigtay ka doodista qodobka amniga ee shirka Afisyooni iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka guud

Intii uu shirkaas socday waxaa ku soo biiray Guddoomiyaha Aqalka Sare, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi, iyadoo looga dhageystay tallooyin iyo arrinta muranka kuraasta doorashada xildhibaannada Somaliland oo ka mid aheyd saddexda caqabadooda ee ka taagnaa hirgelinta heshiiskii doorashada 17 September.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa mar kale shirkooda waxaa ku soo biiray Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga doorashada, shakiga la xiriira kulanka Baarlamaanka iyo muddo kordhinta la hadal haayo.

Musharaxiinta ka hor inta aysan la kulmin Madaxweynayaasha shanta Dowlad Goboleed waxay la kulmeen Waliilka Midowga Afrika iyo Saraakiisha AMISOM , waxaana ay ka wada hadleen amniga doorashada iyo inay dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda oo aanay ku kadsoomin awaamiirta Madaxweyne muddo xileedkisa dhammaaday.

Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa caawa wadajir ugu tagaya Madaxweyne Farmaajo, iyagoo la wadaagaya wixii ay isla soo gaareen Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana si gaar ah ugu gudbin doonaan walaca la xiriira arrinta muddo kordhinta la hadal haayo ee Golaha Shacabka damacsan yahay iyo shakiga laga qabo kulanka berri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More