Wararkii ugu dambeeyay xaalada xaafada Islii oo kala carar maanta uu ka dhacay

Xaalada suuqa Islii ee ay Soomalidu ku badan tahay ayaa caadi ku soo laabatay kadib markii ay ciidamada Kenya ay baaritaan ku sameeyeen goobaha looga shakiyay in la geliyay waxyaalaha qarxa.

khubaro ku taqasustay waxyaalaha qarxa oo gaartay suuqa ayaa markii dambe dadka ku wargaliyay in aanay jirin wax qarax ah oo dhismaha ku xiran, Waxaana dib u bilowday isu socodkii gaadiidka iyo dadka iyadoo waddada dib loo furay.

Sida uu sheegay taliyaha booliska ee xaafadda Starehe Julius Kiragu, qof aan la aqoonsan ayaa qoraal digniin ah gaarsiiyay dadka dhismaha ku ganacsada.

Waxaana qoraalka lagu sheegay in ay si si degdeg ah dadweynaha uga baxaan dhismaha daarta Yaremaadaama ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa.Wararkii u dambeyay ayaa sheegaya ing ganacsiga uu si caadi ah uga socdo suuqa Islii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More