Wararkii ugu dambeeyay xiisad ka jirta magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle ay la wareegeen xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne.

Ciidamadan ayaa waxaa hogaaminaya sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere waxana la sheegay inay wataan gaadiidka dagaalka ayna ka soo horjeedaan imaanshaha magaalada Beledweyne Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadan ay xirteen wadada isku xirta garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne iyo xerada ciidamada ee Lamagalaay.

Ma jirin wax iska horimaad ah oo ka dhacay gudaha magaalada iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in ciidamo xalay la dhigey wadooyinka magaalada ay dib ugu laabteen xeryahooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More