Warbixin: Madaxweyne Xasan Sheikh oo qorsheynaya inuu baarlamaanka kala hadlo In xiriir lalayeesho Israel

Horaantii sanadkan diblumaasi aad ugu dhow Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u doorashadiisa ay albaabada u furtay xiriirka Muqdisho iyo Qudus

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa Sabtidii sheegay in xukuumadda lagu wado in ay baarlamaanka kala tashato suurtagalnimada xiriir diblomaasiyadeed oo ay la sameyso Israa’iil, sida ay ku warrantay warbaahinta Hebrew media.

Xaqiida Warbixinada Channel 12 news iyo Kannews lama xaqiijin karin dhab ahaantii.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa bishii hore sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan xiriiro la sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil xilli uu safar ku joogay Imaaraadka Carabta, isagoo xitaa u duulayay Israa’iil, sida lagu sheegay warbixinta . Wararkaas waa ay iska diiday xukumadda Xasan Sheikh.

 Xasan Sheikh ayaa sanadkii 2016 si qarsoodi ah ula kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu, xilli uu ku guda jiray shaqadiisii ​​ugu horreysay ee xafiiska, taasoo ku ekeyd 2017-kii.

Markii dib loo doortay bishii Maajo ee sanadkan Xasan Sheikh, diblumaasi Soomaaliyeed oo aad isugu dhowyihiin Xasan Sheikh ayaa u sheegay “The Times of Israel” in dib ugu soo laabashadiisa xukunka ay horumar wanaagsan u tahay hannaanka horseedi laha xiriir dhex maraa Muqdisho iyo Jerusalem.

Israa’iil ayaan xiriir diblumaasiyadeed la lahayn dalkaan ku yaalla bariga Afrika, ee loo doortey hogaamiye Xasan Sheikh kaasoo ay ku nool yihiin ilaa 16 milyan oo qof. Soomaaliya oo ah dal Muslim ah oo ahna Sunni isla markaana xubin ka ah Jaamacadda Carabta ayaan waligeed aqoonsan Dawladda Israa’iil.

Waxaa jiray warbixino teel teel ah oo soo baxayay sanadihii ugu dambeeyay xiriirka sii kordhaya ee Israel iyo Soomaaliya.

Shir heer hoose ah ayaa lagu qabtay magaalada Qudus bishii December 2015, kaasoo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socday Wasaaradda Dhaqaalaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ku dhow Xasan Sheikh.

Warbixinta ku saabsan suurtagalnimada in Xukumadda uu hogaamiyo Xasan Sheikh ee Soomaaliya ay xiriir la yeelato Israa’iil  ayaa ka soo horjeeda xiriirka rasmiga ah ee Israel iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ay la yeelan karaan, iyo sidoo kale dadaalka ay Israel ku xoojineyso xiriirka ay la leedahay Afrika.

Marka laga soo tago is-bedellada ka socda Soomaaliya, Channel 12 ayaa sheegay in Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland, oo ah maamul madax-bannaan, gobol xasilloon oo ka mid ah Soomaaliya, uu dhawaan u sheegay saraakiil Maraykan ah in uu ku wajahan yahay Israa’iil, balse aan wax jawaab ah ka bixin.

Bishii May, safaaradda Israa’iil ee Faransiiska ayaa soo qabanqaabisay shir, lagu casuumay saxafiyiin Faransiis iyo Afrikaan ah, diblomaasiyiin, ganacsato, iyo fanaaniin si ay u eegaan mustaqbalka iskaashi iyo ganacsi dhex maraa Isra’iil iyo Afrika.

Somaliland waxa shirkaas ku matalayay wasiirka gaashaandhiga.

Dhanka kale heshiiskii Abraham logu magac darey, oo ahaa baaq nabadeed oo sii wadajir ah goor sii horeysay loo saxeexay Sebtember 15, 2020, ayaa ahaa mid  dhabadda uu xarayey xiriirka dublamaasiyadeed ee Bahrain, Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil.

Sidioo kale bishii Disembar 2020, Morocco iyo Israa’iil waxay qalinka ku duugeen heshiis lagu caadiyeynayo xiriir dhex mara labada dal, kasoo abuurayey xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Kadib waxaa xigtey, Janaayo 2021, Suudaan ayaa iyadana dhankeeda ku duugtey qalinka heshiis taarikhda galey oo ay ku mujineysay rabitaankeeda xiriir dhex maraa Israe’iil iyo sudaan, iyadoo Sudaan ​​Ay cadeysay rabitaankeeda ah inay wanaajiso xirriir ay Israel la yeeelato.

Source: IsraelTimes

Soo turjume Ali Musa

alimusa@axadletimes.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More