Wareegga koowaad ee codeynta doorashada Madaxweynaha oo dhamaatay

May 15 (Jowhar.com)-Waxaa soo dhamaaday wareega kowaad ee codeynta doorashada madaxweynaha iyadoo xildhibaanada golaha shacabka iyo sanatarada aqalka sare ay codkooda dhiibteen.

Inka badan soddon musharax oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore iyo ra’iisul wasaare hore ayaa ku tartamaya doorashadan muddo kabadan sano dib u dhacday.

Waxaa bilaabanaysa tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada haddii hal musharax uu helo 210 cod waxa uu si toos ah ugu guuleysanayaa doorashada madaxweynaha.

Haddii la waayo musharax keensada saddex duleel labo meel xildhibanaada baarlamaanka waxaa wareegga labaad u gudbaya afarta musharax ee ugu sareysa tartanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More