Wariye sare Cabdi casiis Golf oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya

0
19

Nov 27(Jowhar)-Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday isbeddel maamul oo lagu sameeyay Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xilkaas laga qaaday Mudane Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), halka xilka Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada loo magacaabay Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare).

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hab-maamulka iyo hufnaanta warfaafinta ee Madaxtooyada, iyadoo la filayo in Agaasimaha cusub uu dardar geliyo howlaha la xiriira warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Villa Soomaaliya.