Wasaarada Amniga Soomaaliya oo dib u fasaxday Terminal-ka MOVECON

April 12 (Jowhar.com)- Wasaarada Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay dib u fasaxday isticmaalka Terminal-ka MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sababta dib loogu furay Terminalkan oo ay ka soo degaan ajaanibta Xalane ka shaqeysa ayaa lagu sheegay in laga sal gaaray inta badan sababihii loo xiray, iyadoo la tixgalinayo adeega muhiimka ah ee lagu fuliyo marinkaas.

“Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan hay’adaha sare ku xusan in dib loo furay Terminal-ka MOVECON si buuxda laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12/4/2022,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga oo uu ku saxiixna Wasiir Cabdullaahi Nuur.

10-kii bishan ayuu wasiirka amniga Soomaaliya faray Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iney xiraan Terminal-ka MOVECON, sababo ku aadan diidmada midowga Afrika warqadii ra’iisul wasaare Rooble uu dalka uga eryay wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Xukuumadda ayaa sidan oo kale dhowr jeer xirtay haddana dib u fasaxday terminal-ka gaarka ah MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More