Wasaarada Amniga Soomaaliya oo joojisay heshiiska latalinta ee Samira Gaid

Apr 02 (Jowhar.com)-Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa joojisay heshiiska latalinta Samira Gaid ee Mashruuca SJGAB, kaasoo ay maalgeliso Midowga Yurub, sababo la xiriira qoraaladeeda siyaasadeed ee Twitter-ka, kuwaasoo loo arkay inay khilaafsan yihiin “madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida qoraalka lagu yiri.

Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keenayo walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurtagalnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyadoo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay mid siyaasadeed.

Kooxdii hore ee NN ayaa caan ku ahaa tallaabooyinkan noocaan ah, iyadoo sidan oo kale dad shaqooyin iyo qandaraasyo ka heystay hey’ado ay sidaan oo kale shaqada uga joojiyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More