Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo Daah-furtay Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar

Jan. 07 (Jowhar.com)-Wasaraadda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda HirShabelle ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furtay hannaanka Turxaan baxinta farsamo ee dhismaha Golaha Deeganka Degmada Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle Cabdirahman Daahir Guure oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle ay ka go’antahay dhameystirka dhismaha Golaha Deegaanka oo marayo hannaanka Awood qeybsiga oo ah heer gebogebo isaga oo sheegay in turxaan baxinta howlaha farsamo ay hormuud u yahiin dhaqanka Degmada Jowhar .

“Jowhar waa magaalo madaxda Hirshabelle waana magaalo can ku ah warshadaha marka waa in la dhiso gole deegaan oo loo dhan yahay kuwaasi oo soo dooran doona madaxda degmada,waxaan rajeynayaa in dhamaadka bishan magaalada Jowhar ay yeelato gole deegaan”ayuu yiri Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiramaan Karoore.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka degmada Jowhar ayaa ballanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo dhisi doonaan golaha deegaanka.“Golaha deegaanka inaan dhamaystirno waxaan ku soo gudubin doonaa muddo toddobaad ah.”ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka.

Magaalada Jowhar oo yeelato gole deegaan ayaa ka dhigan inay si dhameystiran ugu buuxsanto Hannaanka Dhismaha Dowladaha hoose oo tayo leh baxiyana adeeg bulsho iyada oo xubnaha maamulkana isku dooran dooran si xor ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More