Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada oo soo dhaweysay diyaarada ay soo iibsatay Premier Ailiness

Jun 30(Jowhar.com)Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Bashiir Macalin Cali ayaa si weyn usoo dhaweeyey tallaabadii ay shirkadda Premier Ailiness kusoo iibsatay diyaarad cusub oo diyaar u ah inay la tartanto diyaaradaha adduunka.

“Waxaa dhiiro-gelin iyo bogaadin mudan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiiratay Maal-gashiga Iyo Iibsiga Diyaaradaha” ayuu yiri agaasime Bashiir Macalin Cali oo saxaadda la hadlay.

Agtaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in maalgashiga ay sameysay shirkadda Premier Airliness ay ka dhigan tahay horumar weyn oo uu dalkeena ku tallaabsaday, wuxuuna sheegay inay taas keeni doonto koror dhaqaale iyo fursad shaqo abuur u noqon karto dhalliyarada Soomaaliyeed.

“ Diyaaradaha ay milkiyaddoodu leeyihiin Ganacsatada Soomaaliyeed sido kalana haysta Taarikada Soomaaliya- waxay u duuli doonaan caalamka intiisa kale, sida Diyaaradaha Dowladaha kale ay u yimaadaan Dalkeenna- Tani waxay fursad muhiim ah siineysaa fududeynta isu socodka Iyo is dhaafsiga Duuliimaad-yada” ayuu hadalkiisa kusoo daray.

Wuxuu sidoo kale hadalkiisa sii raaciyey agaasimaha “Waxaan markale bogaadinayaa tallaaba taariikhiga ah ee Shirkadda Premier Ailiness kusoo iibsatay Diyaadda cusub si ay ugu tartanto suuqa Iyo Khadadka Duullimaad ee Dunida.

Ugu dambeyntii agaasimaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay maalgashi ku sameystaan arrimaha Transport-ka Dhulka iyo Cirka, sidoo kalana ay ka faa’iideystaan Maal-gashiga Garoomada Diyaaradaha, Jidadka Iyo Buundooyinka.

Shirkadda Premir Airlines oo ay ku mideysan yihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa shalay Muqdisho kasoo dajiyey diyaarad leh calanka Soomaaliya isla markaasna ka shaqeyn doonto qeybo kamid ah dunida, waana markii ugu horeysay oo diyaarad leh calanka Soomaaliya la hirgeliyo kadib burburkii dowladda hore ee Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More