Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo bilowday baaritaanada weerarkii garoonka diyaaradaha Jowhar

Nov 05 (Jowhar.com)-Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inuu bilowday baaritaan ku saabsan sababtii ka dambeysay in guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle lagu rasaaseeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ka xun tahay dhacdadii shalay ka dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Qoraalka kasoo baxay wasaarada Gaashaandhigga ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in talaabo adag laga qaadi doono cidii ay ku cadaato ku lug lahaanshaha falkaasi ee kamidka ah ciidamadda DANAB.

“Taliska Ciidanka Xoogga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay bilaabeen baaritaanka falkaas, waxaana si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeni doonaa ciddii ku lug yeelata dhacdadaasi” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda difaaca XFS.

Si kastaba, Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Danab ay weerareen ciidamo galbinayay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Cabdixakiin Xaaji Luqmaan oo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah oo gaystay khasaare.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More