Wasaarada Warfaafinta oo beenisay in Ra’iisul Wasaare Rooble dhexdhexaadinayo Galmudug iyo Ahlu Sunna

Wasaarada Warfaafinta xukuumada Federalka ayaa beenisay warar sheegayay in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble safarka uu ku tegey Dhuusamareeb ay qeyb ka tahay inuu dhexdhexaadiyo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaaladda ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan u qorsheysneyn la kulanka hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca.

”Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble qorshaha uu u tagay Dhuusa-mareeb kuma jirto in uu wada-hadal la galo Ahlu-sunnada hubeysan”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa xusay in ujeedka booqashada Rooble ee Dhuusamareeb ay la xiriirto arrimaha doorashooyinka.

Dhawaan ayaa waxaa fashilmay dadaalo lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo Maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna iyadoo saraakiil ka socotay ciidamada dowlada ay tageen deegaanka Bohol balse markii ay dib ugu soo laabteen Dhuusamareeb sheegay inay ka diideen Ahlu Sunna waanwaantii ay wadeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More