Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo digniin adag ka soo saartay macdan-qodista sharcidarrada

0
4

Nov 16(Jowhar)-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso macdaneysiga sharcidarrada ah ee ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad iyo shirkado isugu jira Soomaali iyo ajanabi.

Wasaaradda ayaa sheegtay in macdan-qodista sharci–darrada ahi ay khatar weyn ku tahay amniga dalka, dhaqaalaha, iyo madax-bannaanida khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Waxay xustay in hawlahaas sharci-darrada ah loo adeegsado maalgelin falal argagixiso, taasoo khatar gelinaysa nabadda dalka iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Wasaaradu waxay hoosta ka xariiqday in dhammaan hawlaha macdan-qodista ay waajib ku tahay in lagu sameeyo oggolaanshaha rasmiga ah ee dowladda federaalka, iyadoo cid kasta oo ku hawlan macdan-qodis sharci darro ah lagu wargeliyay inay si degdeg ah u joojiyaan.