Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Qorsheyaasha dhaqaalaha iyo Maaliyadda 2023.

Dec. 25 (Jowhar.com)-Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha mudnaanta u leh Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dalka ee sanadkaan 2023.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha ahmiyadda u leh dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lagu soo bandhigay sida ay muhiim u tahay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sare u qaado ka qeybgalka dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda si ay aragto ugu dhiibtaan inta aan la meelmarin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo kukanka hadal ka jeediyay ayaa sharaxay qorsheyaasha Wasaaradda Maaliyadda u yaalla sanadkaan 2023 ay doonayaan in xooggaa lagu saaro horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqey muhiimada ay sanadkaan u leedahay Wasaaradda Maaliyadda xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda iyo isla xisaabtanka taasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay sare u qaadidda dakhliga Dowladda iyo maamul wanaagga.

“Waxa aan maanta ka qayb galay kulan gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay u qabatay qaar ka mid ah dadweynaha, kulan kaas oo lagu soo bandhigayay qorshayaasha muhiimadda u leh Wasaaradda Maaliyadda Sanadka 2023.

Munaasabaddaan waxa aan diiradda lagu saarnay qorshayaasha mudnaanta gaarka ah inoo leh sida dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Waxa sidoo kale kulanka haddlo taabanayay Horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta hannnaanka Maaliyadda ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo. Raaxo Maxamuud Janaqow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cali Yaasin Sheekh, Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Guure, Agaasimaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar, iyo Aqoonyahay dhanka dhaqaalaha ah.

Kulanka oo ay sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo qeybgaleen ayaa ka mid ah barnaamijka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso daah-furnaanta, maamul wanaagga iyo hufnaanta hannnaanka Maaliyadda dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More