Wasiir Beena Beene oo Amiirka Kuwet u gudbiyay dhambaal uu ka siday madaxweyne Xasan.

Jan. 04 (Jowhar.com)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Maxamuud C/raxmaan Beena Beena ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah,kadib casuumaad uu ka helay.

Kulanka oo ahaa mid mira dhal kusoo dhamaaday ayaa diirada lagu saaray iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeyay labada wadan.

“Waxa aan maanta kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Kuweyt Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah, oo aan ka wada hadalnay iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labadeena dal ee dhinacyada kala duwan iyo arimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka” ayuu ku yiri wasiirka oo qoraal kulankaasi ku faah faahiyay.

Mr. Beene beene ayaa dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Kuweyt u gudbiyay dhanbaal uu ka siday madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, dhanbaalkan oo wuxuu yahay aan la shaacin ayaa ku socday Amiirka Dawladda Kuwait, Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, sida wasiirku sheegay.

“Waxa aan sidoo kale u gudbiyay danbbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku socday Amiirka Dawladda Kuwait, Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Soomaaliya ayaa oo safar ku jooga dalkaasi Kuweyt ayaa la filayaa inuu kulamo kale la qaato mas’uuliyiinta dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadankaasi ku nool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More