Wasiir Beena beene oo gudoomiyay shir looga hadlayay ku biirista Soomaaliya ee EAC

Aug 22 (Jowhar.com)-Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Maxamuud C/raxmaan Beena Beene ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay shir soconaya 10 cisho oo diirada lagu saarayo qorshaha dhameyatirka ku biirista Soomaaliya ee dallada bulshada bariga Africa ee EAC.

Sida wararku tilmaamayaan, natiijada kasoo baxda shirkan waxaa loo gudbin doonaa madaxda dalalka bariga Africa si ay usoo saaraan go’aanka ugu danbeeya ee aqbalaadda codsiga.

Wasiir Beene Beene oo gacanta ku haya qorshaha qaranka ayaa la rajeynayaa inuu jeexo qorshaha ay dadka Soomaaliyeed faa’iido dhaqaale iyo hormaro kale uga sameyn doonaan isdhexgalka bariga Africa tobanka sano ee soo socta.

Wasiir Beena beene ayaa madasha ka sheegay in shir madaxeedka 21-aad ee caadiga ah ee madaxda EAC lagu soo saari doono go’aanka kama danbeysta ah ee Soomaaliya.

“Waxaa Sharaf ii ah in aan hogaamiyo Wafdiga Dowladda Soomaaliya uga qayb-galaya shirka wada-xaajoodka ee u dhaxeeya wadamada ku midoobay Dalladda Bariga Afrika (EAC) iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan oggolaanshaha Soomaaliya ee ku biirista EAC ee lagu go’aamiyay shir madaxeedka 21-aad ee caadiga ahaa ee madaxda EAC” ayuu yiri wasiirka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More