Wasiir Beyle oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah, kaasi oo uu la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem.

Wasiir Beyle ayaa ku tilmaamay kulankaas inuu ahaa mid muhiim ah oo natiijo ka soo baxday.
“Waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka oo uu ugu sareeyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo shaqaalaha la shaqeeya.”ayuu yiri Wasiir Beyle

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa loogaga hadlay sidii loo dhamaystiri lahaa hanaanka dib u habaynta maaliyadda dalka Soomaaliya.

“Waxa aan diiradda saarnay dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Masiibooyinka dabiiciga ah ee goboladeena qaar ka dhaca”.ayuu sii raaciya Wasiirka Maaliyadda.

Dowlada Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la leh Bangiga Adduunka kadib markii dowlada laga cafiyay malaayiin dollar oo lagu lahaa dowlada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More