Wasiir Cabdi Siciid oo lagu waayay danbi ah inuu amray markab Dhuxul ka dhoofiyay Soomaaliya.

July 24 (Jowhar.com)-Maxkamadda-sare ee dalka Cummaan ayaa markii u horreysay go’aan ka soo saartay markab siday dhuxul; kaa oo la sheegay in uu oggaalasho ka heystay Wasaaradda Arrimaha-dibedda Soomaaliya, arrin taasi oo dhalisay in shaqada laga joojiyo Wasiirka Arrimaha-dibedda Cabdisaciid Muuse.

Go’aanka maxkamadda ka soo baxay ayaa hadda lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha-dibedda Soomaaliya aysan ku lug-lahayn wax qalad ah, sidoo kale ma muujinin wax cadeyn ah oo
tusinaya in markabku uu ogolaansho ka
helay wasaaradda ama codsi loo gudbiyey hey’adaha ay khuseyso ee dawladda Cummaan si ay u si deyso markab kaas oo dhuxul siday, sida ku cad qaraarka maxkamada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii May ee sannadkan shaqada ka joojiyay wasiirka kadib markii lagu eedeeyay inuu fasaxay markab si sharci darro dhuxul uga dhoofiyay Soomaaliya oo lagu qabtay Cuman.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More