Wasiir Faarax oo soo saaray amar ku socda bahda waxbarashada dalka

Aug. 17 (Jowhar.com)-Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Faarax Sheekh C/qaadir ayaa soo saaray qaraar hal sanno oo waxbarasho ah Asaasi (Foundation Year) loogu kordhinayo Jaamacadaha dalka laga bilaabo sanad dugsiyeedka 2023/2024.

Sanadka waxbarashada asaasiga ayaa ka kooban labo semestar oo aan ku jirin muddada afarta sano ama ka badan ee Waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda.

Maaddooyinka lagu dhigayo sanadka sanadka Waxbarashada ee asaasiga waxaa ka mid noqon doono Afka Soomaaliga oo ay ku jiraan Suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda, Afafka Carabiga iyo Ingiriiska ama luqadda uu Ardayga ku qaadan doono Waxbarashadiisa Jaamacadeed, Daraasaadka Islaamka (Fahamka Guud iyo Akhlaaqda Islaamka) Xirfadaha Hab qoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xalinta Khilaafaadka iyo xiriirka bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More