Jan 11(Jowhar)-Wasiirka Gaashanadhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu mari doono wadadaii uu maray Ceydaruus Al-zubeydi oo la arki doonno Cirro oo baxsad ah.
Waxa uu dhinaca kale ree Falastiin uga cudurdaaray dalka Somaliland ay ku dhaqaaqday ee ah iney heshiis la gasho Israel oo dhigaya in shacabka ree Gaza xoog lagu soo dajiyo deegaanada Somaliland
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay qorsheynayso inay xoog ugu soo rarto dadka reer Falastiin deegaannada Somaliland oo dhawaan shaacisay in ay aqoonsiga ka heshay maamulka Yh, isagoo ku tilmaamay qorshahaas inuu yahay mid xadgudub weyn ku ah shuruucda caalamiga ah.
Wareysi uu siiyay Al Jazeera Sabtidii, Fiqi wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu ka laabto aqoonsiga diblomaasiyadeed ee “gobolka gooni-goosadka”, isagoo ku tilmaamay tallaabada lagu dhawaaqay dabayaaqadii sannadkii hore “weerar toos ah” oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.
“Israa’iil waxa ay muddo dheer hiigsaneysay hadafyo iyo qorshayaal ay ku kala qeybineyso dalalka – laga yaabee in ka hor 20 sano – waxa ayna dooneysaa in ay qeybiso khariidadda Bariga Dhexe oo ay kamaamusho dalalkeeda… waana sababta ay kooxdan gooni-goosadka ah uga heleen waqooyi-galbeed Soomaaliya,” ayuu Fiqi u sheegay Al Jazeera.










